WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deniga Puntland oo yidhi“Hawadda Soomaaliya maaha dukaan Qof leeyahay,,-Waraysi

Boosaaso (HM) – Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Soomaaliya ay saartay  Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Maamul Goboleedyada dalka sida uu hadalka u dhigay.

Wareys uu siiyay Idaacadda Mareykanka ee VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa Deniga Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in Hawada Soomaaliya aanay aheyn dukaan qof leeyahay, isla markaana ay tahay Hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweyne Deniga hoggaamiya maamulka isku magacaaba Hooyada Federaalka ee Puntland oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Runtii Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, suura galna ma ahan wax dastuurka dadka xaqa u siiyay qof ra’yi siyaasadeed qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale Siciid Deniga Puntland ayaa difaacay Heshiiska Maamulkiisa la galay Shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in mas’uuliyadda loo dhaariyay ay ka mid yahay inay hormar ka sameeyaan dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Waad ogsoontihiin, waxaa jira cadow badan oo aynu leenahay, cadowgeenu waa badanyahay, ha noqdo inay meel walba furimo inooga sameeyaan, dhinacyo badan waxaan kaga bixi karnaa inagoo wada-shaqayna, laamaha amniga la shaqayna noqona mid, taas ayaan kaga guulaysan karnaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo hor leh ay geeyeen Magaalada xarunta ganacsiga ee Boosaaso, islamarkaana ay sugayaan amniga Magaaladaasi dhacda gobalka Bari ee Soomaaliya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top