WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Wararkii ugu dambeeyey Haweeney toogasho ku dishay Ninkeeda Degmadda Hobyo!!.

Muqdisho (HM) – Wararka naga soo gaadhay gobolka Mudug ayaa ku warramaya in maanta dhacdo murugo leh ay ka dhacday degmada Hobyo ee gobolkaasi, kadib markii Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ay toogasho ku dishay Sayigeedii.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Geeri, kaas oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug sida ay wararka nasoo gaadhay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegay in dilka Askarigan uu sababay khilaaf ka dhashay arrimo la xadhiidha Qoys, sida dad deegaanka ah ay ugu warameen warbaahinta Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Haweeneyda dilka geysatay oo goobta ka baxsatay ayaa la sheegay in dilka marxuumka ay u adeegsatay Qoray AK47 ah oo uu isagu  lahaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hobyo iyo Galmudug oo ku aadan dhacdadan argagaxa leh ee aadka looga hadal hayo degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top