WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda maamulka Soomaliland oo dhaawacay muwaadin ay dhulkiisa ka xoogayeen-Akhriso

Hargeysa (HM) ―Warar kala duwan oo kusoo dhacaya qaybta warqabadka ee warbaahinya Horufadhi News ayaa tibaaxaya  in Ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ay dhaawac culus u geysteen muwaadin ay dhulkiisa xooga kaga qaadayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamadaasi oo ka tirsanaa kuwa Somaliland gaar ahaan Booliska Hargeysa ay rasaas culus ku fureen nin lagu magacaabo Cali Aw Maxamed Jaamac, kadib markii uu diiday in uu dhulkiisa dajiyo dad ay ciidamada Boolisku ka soo rareen xero ay daganayeen, sida ay u xaqiijiyen HM Qoyska muwaadinka dhaawaca culus loo geystay.

Dhaawacan culus ee ay Ciidamadu u geysteen Cali ayaa imanaya kadib markii uu si weyn uga hor-yimid dalabka ay Ciidamada maamulka uu hogaamiyo Jamhadka hore ee SNM Muuse Biixi Cabdi  ku odhanayeen  in dadkaasi ay dhulkiisa dajiyaan, kaasi oo ku yaala Koonfurta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka aqoonsi raadiska ah.

Ninkan iska leh dhulka ay Ciidamadu dadka dajinayeen iyo weliba Qoyskiisa ayaa diidmo adag kagala horyimida ciidamada, midaasi oo sababtay inay ciidamadu furaan rasaas culus oo sababtay in Cali lagu sameeyo qaliin culus oo saacado dhowr ah qaatay kadib dhaawac daran oo soo gaadhay muwaadinkan awooda ciidan loo adeegsaday.

Qoyska Cali Aw Maxamed ayaa qaylo dhaan iyo baaq u soo jeediyay Mas’uulka ugu sareeya xukuumadda  lagu canaanto in ay ka falaagowday cadaalada ee Somaliland Muuse Biixi, iyagoona ka dalbaday in laga soo gaadfho  Ciidamo u muuqda kuwo dabada ku haya amar culus oo soo riixaya marka la eego dhiiranaanta iyo isku haleynta awoodeed ee ay adeegsanayaan.

Wararka ayaa tibaaxaya in Ilaa iyo hadda aysan jirin cid dhag jalaq u siisay Qoyska muwaadinkan Ciidama maleeshiyaadka Muuse Biixi rasaasta u adeegsanayaan si ay uga qaataan dhulkiisa isla markaana qaab sharci daro ah ku degsiiyaan dad kale.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top