WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Muuse Biixi oo loo soo jeediyey inuu xilka iska casilo & dhaliilo culus-Video

Hargeysa (HM)-Madaxweynaha maamulka Soomaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa loogu baaqay in uu xilka iskaga tago hadii uusan waxba ka qaban karayn cadaalad darada iyo maamul xumada irdaha u laabtay maamulka 21jirsaday ee aqoonsi raadiska ah.

Ugaas Cabdirisaaq oo kamid ah Salaadiinta dhaqanka ee deegaanada maamulka Soomaliland oo maanta kasoo muuqday warbaahinta Soomaliland ayaa waxaa uu is barbadhigay xukuumadii Udub ee Daahir Riyaale Kaahin iyo tan Kulmiye ee isaga kala dambeeyeen Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo hadda ku fadhiya Kursiga hoggaaminta maamulka Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO

Ugaaska la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Siilaanyo lagu wareejiyey maamul dhamaystiran halka Muuse Biixi lagu wareejiyey Xafiis Haawanaya, wuxuuna intaas ku daray in intii Kulmiye joogay talada Soomaliland la wareejiyey Hawadii iyo Baddiiba sida uu hadalka u dhigay ninkan ugaaska ah ee Muuse Biixi kula taliyey inuu isaga dego kursiga.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top