WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Madaafiic lagu Garaacay Villa Somalia iyo Qaar Gudaha u galay Xafiiska Madaxweynaha Wararkii ugu Danbeeyay….

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa hoobiyeyaal maanta duhurnimadii lagu soo weeraray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Wararka aanu ka helnay ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegay in mid ka mida Hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha Madaxtooyada meel u dhaxeysa Guriga Madaxweyne Farmaajo ka degan yahay Madaxtooyada iyo xafiiskaasi, iyadoo aanu wax qasaare ah geysan.

Madaafiicda Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay inay afar madfac ahaayeen waxaana mid kale uu ku dhacay meel ugu dhow Guriga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/rxmaan Odowaa, halka mid kale uu ku habsaday Ceelka cagadhiig.

Qasaaaraha madaafiicdan geysteen ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 4 qof oo midkood askari yahay. Waxaana goobahaasi gaaray ciidamada dowladda.

Ma jirto wax war ah oo hay’adaha ammaanka dowladda kasoo saareen weerarka hoobiyeyaasha, waxaana sidan oo kale weerar madaafiic ah lagu qaaday madaxtooyada maalintii xil wareejinta ee Farmaajo lagu soo dhoweeyay xafiiska.

Weerarkan ay kusoo beegmay iyadoo Golaha wasiirada ay maanta lahaayeen kulankoodii ugu horeeyay kadib markii la ansixiyay.

SOMALI NEWS

To Top