WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ta ku dhacday Farmaajo Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Madaxweyn Mauritania oo lagu khalday-Video

Telefishinka Qaranka ee dalka Jordan ayaa si layaab ah isugu qalday Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Mauritania oo ka qeyb galayay Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee lagu soo gaba gabeeyay.

Arrintan ayaa aheyd mid saacadihii la soo dhaafay si aad ah looga hadal hayay baraha bulshada, iyadoo wariyaha sida toos u tabinayay shirka Jaamacadda Carabta uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qalday Madaxweynaha Mauritania.

Boqorka Jordan Boqor Cabdalla-ha Labaad ayaa markii uu ku soo dhoweynayay Madaxweyne Farmaajo xarunta shirka uu ka dhacayay, ayaa waxaa Wariyihii sida tooska ugu soo tabinayay Telefishinka waxaa uu sheegay in Boqor Cabdalla uu salaamayo, soona dhoweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wariyaha sida tooska Telefishinka u tabinayay ayaa u muuqday mid aan kala aqoon labada Madaxweyne, gaar ahaan waxay wadaagaan hal magac oo ah Maxamed, taas ayay dadka qaar u fasiran karaan inay ku qalday Madaxweynaha Mauritania, maadaama dalka Mauritania uu ahaa dalkii ugu dambeeyay ee marti geliyay shir madaxeedka Carbeed ee sanadkii la soo dhaafay dhacay.

Hadii si kale loo dhigo, Labada Madaxweyne ayaa isaga eg shaarbaha iyo timahooda, waana tan la is dhihi karo waa isaga shabahaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Lubnan ayaa ahaa labada Madaxweyne ee ku cusbaa shir madaxeedka Carabta, maadaama dhowaan la doortay.

SOMALI NEWS

To Top