WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:Farmaajo iyo Waftigiisii oo hadda ka degay Muqdisho iyo Wararkii ugu Danbeeyay ee Dilkii Wasiir Cabaas Siraaj-Akhriso

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si deg deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo soo gaabiyay booqasho labo cisho aheyd oo uu shalay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigii Madaxweynaha ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan aas qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir Cabaas, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin wadani ah, tusaalena u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaban qaabada Aaska Meydka Wasiirkii Howlaha Guud ayaa ka socota Madaxtooyada, waxaana salaada janaasada lagula dukanayaa Masaajid ku yaalla Madaxtooyada.

Madaxda dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano ayaa ka qeyb galaya aaska, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya aaska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo ku sugan Madaxtooyada.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo maalmo baroor diiq qaran, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu shir guddoomin doono shir deg deg ah oo amniga ku saabsan.

Dilkii xalay ee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa banaanka soo dhigay dayacaada amni ee ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda, kuwaasoo gaadiid yar yar isaga socda Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top