WARARKA SOOMAALI

Daawo:Aqoonyahankii Somaliland oo Muqdisho u Socda“20 Sano Baanu Cidla taaganahay,Danteenu waxay ku jirtaa Somaliya,,Dr Bulxan-Video

Dr Bulxan wuxuu ka mid ahaa raggii ka qayb galay wadahadalkii u socday dawlada federaalka iyo maamulka Somaliland , wuxuuna hadda isaga oo Hargeysa jooga sheegay in uu booqan doono magaalada Muqdisho si uu dood u galiyo fikirka gooni isu – taaga “Somaliland”, wuxuuna sheegay in uu kala doodi doono arrintaas dadka reer Koonfureed ka oo kaliya , oo aanu arrinta kala fadhiisan doonin qof ka soo jeeda gobolada Waqooyiga Soomaaliya .

Tani waxay Daliil cad u tahay in Masiirka iyo aayaha Gobalada waqooyi ee Dalka Soomaaliya ka hadalkooda,Go,itaankooda,Joogi,taankoodaba ay xaq u leedahay in lagala hadlo Dowladda Soomalia.

Sidoo kale Hadalka Aqoonyahankan ka soo jeeda Gobalada Waqooyiga Soomaliya wuxuu muujinayaa sida hadalkiisa ka muuqata in Somaliland 20-sano ay cidla taagneyd,taasna waxay marag cad ka tahay in maamulka Somaliland ay shacabka Gobalada Waqooyi ku maaweelinayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay Citiraaf baan inoo doonaynaa iyo Dalal shisheeye ayaa ina aqoonsan doona iyaga oo mar kasta Carabka ku dhufta in aysan Somalia waxba uga baahneyn balse taas waa been aan waxba a jirin ee Hadalka Dr Bulxan ka bogasho wacan isaga oo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top