WARARKA SOOMAALI

Daawo:Hanti Dhowrka Somalia oo ka hadlay Dilkii Ciidankiisu u Gaysteen Wasiir Cabaas-Video

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay dilkii xalay Ilaaladiisa u geysteen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas C/llaahi Siraaji, isagoo sheegay inuu aad uga xumaaday.

Dr. Nuur Faarax oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay inuu ahaa arrin shil ah, isla markaana uu ka tacsiyadeynayo geerida Wasiirka sida uu hadalka u dhigay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waa ka tacsiyadeynataa Wasiirka dhintay, ehelkiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed, waxa halkaas ka dhacay wuxuu ahaa askar kala shakisay oo isu soo dhowaatay oo is xabadeysay, wax aan fiicneyn ayaa halkaas ka dhacay, nin walaalkey ayaa ku baxay, wuxuu ahaa shil”ayuu yiri Hanti dhowrka Guud.

Hanti dhowrka Guud ayaa sheegay in baaritaano ay socdaan, isla markaana aanu diyaar u aheyn in baaritaankaas socda uu ka hor-dhaco.

Ilaalada Hanti dhowrka Guud ayaa la sheegay inay si bareer u toogteen, waxaana dad badan shaki gelinayaan qaabka dilkaas u dhacay, markii la arkay gaariga wasiirka la socday oo muraayada ku taalay rasaas toos ah oo ka haleysay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Ilaalada Hanti dhowrka Guud ee ku lugta lahaa dilka, la sheegay in guddi gaar ah loo saaray baaritaanka dilka.

SOMALI NEWS

To Top