WARARKA SOOMAALI

Daawo:Hogaamiyaha Ahlu-suna oo Weerar ku Qaaday Madaxweynaha Cusub ee Galmudug“Xaaf kaliya waxan ogahay in uu Ganacsade ahaa,,-Video

Madaxweynaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in aysan quseyn doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado, kaasoo Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku ogaa inuu ahaa Ganacsade, wax intaas dhaafsisan aanu ku ogeyn.

“Doorashada ka dhacday Cadaado anaga nama quseeyo, ninka la doortay Axmed Ducaale Xaaf waxaa ku ogaa inuu ahaa Ganacsade, anaga maamul isu aqoonsanahay, ayagana nama aqoonsana, anagana ma aqoonsani”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mar uu ka hadlayay shirkii guuldareystay ee Muqdisho ka dhacay ayuu sheegay in iyaga ay dalbadeen in la isku daro baarlamaanka maamulkiisa iyo kan Galmudug, si wax la aqoonsan yahay uga soo baxo.

Waxaa uu soo jeediyay Gobolada Dhexe ay u baahan tahay in la mideeyo, shacabkooda la walaaleeyo, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda.

Maamulka Ahlusuna ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa wada hadaladii fashilmay ee Muqdisho ka dhacay, waxaana Ahlusuna ay soo bandhigtay shuruudo adag, taasoo keentay in wada hadalada socon waayaan.

SOMALI NEWS

To Top