WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Xaalaada Magaalada Kismaayo oo kacsan iyo Banaanbax ka socda..

Kismaayo (HM)-Banaan bax looga soo horjeedo amarkii dowladda Federaalka ku soo rogtay diyaaradaha ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo boqolaal ruux ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Banaan baxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Jubbaland ayaa looga soo horjeedaa amarka lagu soo rogay diyaaradaha taga Kismaayo, taasoo ay ku tilmaameen cunaqabateyn iyo go’doomin.

Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ay ugu soo horjeedeen go’aanka dowladda.

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Federaalka ayaa ku amartay diyaaradaha taga Kismaayo iyo kuwa ka yimaada inay soo maraan magaalada Muqdisho, taasoo lagu tilmaamay mid lagu hubinayo dhaq dhaqaaqyada iyo la socodka diyaaradaha ka dega garoonka Kismaayo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maamulka Jubbaland uu muddo labo cisho uu xayiraad saaray diyaaradaha ka soo dega garoonka Kismaayo, sababo la xiriira doorashadii Axmed Madoobe, isla markaana hakisay diyaaradaha ka yimaada Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

SOMALI NEWS

To Top