WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda AMISOM oo gaadhay Dhuusamareeb iyo goobaha ay la wareegayaan-Video+Sawiro

Muqdisho (HM)-Waxaa saaka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug gaadhay ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo kasoo kicitimay magaalada Baladweyne.

Xildhibaano katirsan labada Aqal , masuuliyiin iyo saraakiil katirsan ciidanka dowlada federaalka ayaa duleedka magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay ciidamadan katirsan AMISOM ee saakay soo gaadhay Dhuusomareeb.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay soo dhaweynta ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ciidanka Hiil Walaal yimaadaan Dhusomareeb, waxa ayna sheegeen in ciidankan qeyb ka noqonayaan xaqiijinta amaanka

Ciidamadan ka socda AMISOM ayaa la wareegi doono amaanka xarumo muhiim ah oo kuyaala magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan garoonka diyaaradaha, Madaxtooyada iyo xarunta Shiirkole ee lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

SOMALI NEWS

To Top