WARARKA SOOMAALI

Ciidamadda Soomaliland oo albaabada iskugu dhuftay Meherad Itoobiyaan ku leeyahay Burco iyo Dadkii lahaa..

Burco (HM)-Soomaliland Ciidamada booliska magaalada Burco ayaa albaabada isugu dhuftay maqaaxida laga cunteeyo ee Warsan, oo lagu sameyn jiray cuntada Itoobiyaanka.

Ciidanka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dadkii Itoobiyaanka ahaa ee halkaasi ka shaqeynayay.

Culimada gobolka Togdheer ayaa la sheegay in ay meheraddan ku soo eedeeyeen in Musica lagu dhagaysto sidoo kalana ay is dhex fadhiistaan ragga iyo dumarka meesha wax ka cuna.

Magaalada Burco ayaa waxaa aad ugu yar goobaha laga cunteeyo ee laga helo cunto Itoobiyaanka, waxayna tani ka mid ahayd meherada tirada yar ee cuntadaas laga helo.

Wixii wara ee kasoo kordha la soco

SOMALI NEWS

To Top