WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Warar dheeri ah oo ku saabsan sida uu u dhacay Qaraxa-Video

Laascaanood (HM)-Qarax ismiidaan ah ayaa ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho galabta qorax dhacii, wuxuuna dhacay xilli uu maamulka u socday shir toddobaadle ah oo ay yeeshaan.

Qof ku sugnaa gudaha hoolka uu shirka ka socday ayaa sheegay inuu maqlay jug culus oo gudaha hoolka ka dhacday, dabadeedna uu arkay dad fara badan oo dhaawac iyo dhimashoba leh oo goobtaasi daadsan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sida goob joogayaal kale ay sheegeen waxaa qaraxa fuliyey qof gudaha u soo galay hoolka uu shirku socday, kaasoo is qarxiyey xili uu khudbad jeedinayey guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa la isku hayaa in qofka qaraxa fuliyey ay aheyd Dumar iyo in kale, waxaana weriyeyaal iyo dad kale oo goobtaas ku sugnaa ay isku raaceen in qof haweeney ah ay soo gashay hoolka ka dibna uu qaraxu dhacay.

Xarunta gobolka Banaadir oo ah xarun ammaankeeda si weyn loo adkeeyo ayaan weli la garan sida ay haweeneydan ku soo gashay hoolka shirka, waxaana jira tuhun la xiriira in qaraxan uu ahaa mid la fududeeyey, iyadoo saacado ka hor ay ka jirtay xarunta gobolka hadal heyn iyo digniino ku aadan in haweeney ay qorsheyneyso iney fuliso qarax ismiidaamin ah.

Laamaha amaanka dowlada oo aan weli ka hadlin qaraxan ayaa wada baaritaano lagu  ogaanayo sida ay wax u dhaceen, iyadoo la filayo iney saacadaha soo socda war ka soo saaraan dhacdadan.

Masuuliyiinta illaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyeyaashii degmooyinka Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad, degmada Waaberi Mahad Cilmi, Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere, Agaasimaha Nadaafadda Cabdifataax Cumar Xalane.

Waxaa kale oo dadka dhintay ku jira howlwadeeno ka tirsan maamulka iyo dad kale oo aan tiradooda la heynin.

Masuuliyiinta dhaawacmay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo xaaladdiisa laga deyrinayo, Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda Seynab Max’uud Warsame (Xaabsey), Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Max’ed Cabdulqaadir, agaasimaha Xiriirka degmooyinka iyo gobolka,

SOMALI NEWS

To Top