WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Al-shabaab oo war deg deg ah kasoo saartay Qaraxa Muqdisho Faah faahin-Video

Muqdisho (HM) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo dhaliyey khasaare xooggan.

War rasmi ah oo kasoo baxay A-Shabaab ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga James Swan, kaasi oo xarunta gobolka ka tagay inta uusan qaraxa dhicin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhintay gudoomiyihii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad, Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi, agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane, iyo agaasimahii shaqada iyo Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.

Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, oo xaaladdiisa ay halis tahay, Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame, Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah.

SOMALI NEWS

To Top