WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland oo Gudoomiye u magacaabay Taleex…

Taleex ( HM) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiye u magacaabay degmada Taleex ee Gobolka Sool,   Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay oo sidan u dhignaa.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex  Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. “

Dhankeeda Somaliland ayaa  Horey Taleex u Aqoonsatay gobol loogu magac daray Xaysimo, Waxaana Muranka labada dhinac u dhexeeya ee ku aadan deegaanada Sool iyo Sanaag  oo Labada gobol ka dhigay kuwa ka hadhay Horumarkii oo lagu sifeeyo deegaano lagu Muransan yahay.

SOMALI NEWS

To Top