WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Shirka Madaxda Dowladda iyo maamul Goboleedyada oo furmay

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Goordhow ka furmay Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu waday inuu xalay furmo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana daqiiqado kahor furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii horey ku baaqay Shirka oo la qorsheeyay inuu socon doono saddex maalmood.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa iyo sida lagu xalin karo, iyadoona Shirka uu ku furmay jawi aan la saadaalin karin natiijadiisa, marka loo eego in aanay niyadsami ka dhex jirin dhinacyada shiraya oo ay aad u kala aragti duwan yihiin.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xal u helida caqabadaha hortaagan doorashada oo ay ugu weyn tahay arrinta Maamulka Jubbaland, iyadoona la filayo in arrintaas iyo kuwo kalena xal laga gaaro.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka furmay.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb ee uu Shirka Maanta ka furmay.

SOMALI NEWS

To Top