WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Villa Somalia oo War kasoo saartay Shirka Madaxda ee Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka Maanta Madaxda u furmay ayaa lagu waday inuu furmo xalay, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid sababo la xiriira safarka Madaxda maamul Goboleedyada, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa barqadii si rasmi ah u daah-furay Shirka.

SOMALI NEWS

To Top