WARARKA SOOMAALI

Jeneraal Indho-cadde oo su’aalo ka badan ka keenay Dilkii Marxuum Galaal  

Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa ku baaqay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dilkii Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Afrik.

Yuusuf Indha-cadde ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka wax uga dhaceen Hotelka Afrik, wixii lagu arkay meydkii Jeneraal Galaal iyo waxa uu ka aaminsan yahay cidda geysatay dilka Jeneraalka oo qolkiisa oo ka mida Hotelka Afrik loogu tegay meydkiisa.

Wareysi uu siiyay mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayuu General Indhocadde ayuu ku sheegay in hal xabbad ay dishey General Galaal taasoo dhinaca dambe ee madaxa ugaga dhacday.

“Generaalka wuxuu ku sugnaa barandada qolkiisa, Barandada waxaa loogu tegay oo yaallay meydka Jeneraal Galaal, waxaana kor saarnaa meydka nin Shabaab oo Bam F1 ah watay, waxaa kaloo meel 1 Mitir u jirta yaallay nin kale oo meyd Alshabaab ah, waxaan aaminsanaa inuusan ninkaasi meeshaas ku dhiman ee la keeenay meesha,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde.

General Indhocadde ayaa muujiyay inuu shaki weyn ka qabo qaabka ay u dhaqmeen ciidamada dowlada maadaama qorigii iyo bastooladii General Galaal ay qaateen sidoo kalana la burburiyay kaamerooyinkii ku xirnaa dhismaha hotelka.

Dilka General Galaal ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab iyagoo ku tilmaamay inuu halis ku ahaa isla markaana ay doondoonayeen muddo 13 sano ah.

SOMALI NEWS

To Top