WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Laascaanood Rasaas xoog leh oo laga maqlayo Xaafadaha Magaalada iyo Suxufiyiin kale oo hadda la xidhay-Akhriso

Laascaanod  (Horufadhi News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in ay ciidamada Somaliland halkaasi ku xidh xidheen dad shacab ah iyo waliba Qaar kamid ah wariyayaasha madaxa banaan ee ku nool magaaladaas.

Dhinaca kale magaalada ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax Xoogan oo looga soo horjeedo Somaliland, waxaana Qaybo kamid ah magaalada laga maqlayaa Rasaas Xoogan.

Dadka ugu danbeeyey oo ay ciidamada Somaliland xidheen ayaa waxaa kamid ah haween iyo rag shacab ah oo shalay banaanbax lagu taageerayo Puntland iyo dowlada Soomaaliya ka dhigay magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay inay xubnaha la xidhay ay kamid yihiin in badan oo kamid ah hooyooyinka ururka haweenka ee magaalada Laascaanood.

Wariye yaasha hadda Ciidamadda Booliska Somaliland Xabsiga dhigeen waxaa kmaid ah Wariye Maxamed Axmed Bidhaanshe oo kamid ahaa Suxufiyinta Laascaanood ee Madaxa banaan.kaas oo goor dhow ay Ciidanka Somaliland ka qabteen Gudaha Magaalada Laascaanood.

SOMALI NEWS

To Top