WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiiradda difaaca maamulka Puntland oo hadalo kulul u jeediyey Maamulka Somaliland-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Cabdilahi Jamac Xirsi Timacade ayaa u mahadceliyey qaybaha bulshada ee ku sugan deegaanada Gobolka Sool oo mudaraharaad ku muujiyey rabitaankooda ku adan Puntland kuwaas oo maalintii shalay ahayd gudaha Magaalada Laascaanod ku qabtay Banaanabax ay ku tageerayaan Maamulka Puntland kagana soo hor jeedaan Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yusuf Dowlad ayaa isna bogaadiyey doorkii Ciidanka Puntland ka qatay dagaalkii ay Somaliland la galeen ciidamadu ee ka dhacay Tukaraq oo uu sheegay in ay guulo la taban karo kasoo hoyiyeen Ciidamadda Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xrsi Cali ayaa bulshada ku booriyey in ay ilashadaan sharaftooda iyo jiritaankooda,isla markaana ay ay ka hortagaan qorshe kasta oo uu soo abaabulo Maamulka somalidiinka ahi ee Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Puntland Cabdulahi Jamac Quran -jecel ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin cid ay wada hadal kala galayaan xoreynta dhulka Puntland ka maqan, waxaana uu fariin u direy Madaxweynaha Maamulka Somaliand Muuse Biixi Cabdi,isaga oo yidhi “adigu Koofil ayaad soo waraysatey anaguna Sayidkii ayaan soo waraysaney,,

Xaaladda Siyaasadeed ee Maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa maraysa meeshii ugu adkayd iyada oo marba marka ka dambaysa ay labada dhinac isku soo marinayaan Hanjabaad iyo Aflagaado warbaahinta.

Warka Gudiga difaaca maamulka Puntland ayaa kusoo beegamaya xili uu hada Magaalada Laascaanood ka soconayo Banaanbax logu diidan yahay Maamulka Somaliland ,waxaana Xaafadaha magaalada laga maqlayaa rasas xoogan oo ay ridayaan Ciidamadda Somaliland oo kala caydhinaya Banaanabaxayaasha qaarba xabsiga ku guraya.

 

SOMALI NEWS

To Top