WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Puntland oo sheegtay in aysan cidna wada hadal kala galayn xaaladda Gobalka Sool iyo Banaanbax hada socda-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Gudiga difaaca Maamulka Puntland ayaa kulan ay yesheen kasoo saaray hadal ku adan xaaladda  degaanada Gobolka Sool ee uu dagaalku ka socdo.

Wasiiru-dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Maamulka Puntland Cabdullahi jaamac Quran’jecel ayaa sheegay in aanay jirin cid ay wada xajood kala galayaan xoreynta deegaanada Gobolka Sool.

Qur’aan Jecel waxaa uu xusay in ay aanay jrin wada hadal ay dowladda Faderalka Soomaaliya kala galayso dhulka Puntland,iyadoo buu yidhi ay tahay hawo been ah oo uu iska dhaadhiciyey Muuse Biixi in ay dowladda Faderalku kala xajonayso Somaliland dhulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudigu waxay bulshada ku dhaqan Gobalka Sool ku booriyeen in ay garab istagaan Ciidanka Difaaca Puntland ,si looga guul gaaro xoreynta dhulka ay haysato Somaliland waa sida uu u dhignaa war saxaafadeed goordhow kasoo baxay xubnaha Gudiga difaaca ee Maamulka Puntland.

Gudiga difaaca Dowladda Puntland ayaa kulan ay yesheen kasoo saaray hadal ku adan xaaladda  degaanada Gobolka Sool ee uu dagaalku ka socdo.

Wasiiru-dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi jaamac Quran’jecel ayaa sheegay in aanay jirin cid ay wada xajood kala galayaan xoreynta deegaanada Gobolka Sool.

Qur’aan Jecel waxaa uu xusay in ay aanay jrin wada hadal ay dowladda Faderalka Soomaaliya kala galayso dhulka Puntland,iyadoo buu yiri ay tahay hawo been ah oo uu iska dhaadhiciyey Muse Biixi in ay dowladda Faderalku kala xajonayso Somaliland dhulka Puntland.

Gudigu waxay bulshada Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan degaanadda Gobolka Sool ku booriyeen in ay garab istagaan Ciidanka Difaaca Puntland ,si looga guul gaaro xoreynta dhulka ay haysato Somaliland.

Warka Gudiga difaaca maamulka Puntland ayaa kusoo beegamaya xili uu hada Magaalada Laascaanood ka soconayo Banaanbax logu diidan yahay Maamulka Somaliland ,waxaana Xaafadaha magaalada laga maqlayaa rasas xoogan oo ay ridayaan Ciidamadda Somaliland oo kala caydhinaya Banaanabaxayaasha qaarba xabsiga ku guraya.

SOMALI NEWS

To Top