WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascanod Somaliland oo Cabudhin Shacabka ku haysa iyo Bolis Burco laga keenay oo Haweenkii Xabsiga dhigay-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in ay ciidamada Somaliland halkaasi ku xidh xidheen Dad shacab ah iyo waliba mid kamid ah wariyayaasha madaxa banaan ee ku nool Magaalada.

Dadka ugu danbeeyey oo ay Ciidamada Somaliland xireen ayaa waxaa kamid ah haween iyo rag shacab ah oo shalay banaanbax lagu taageerayo Puntland iyo dowlada Soomaaliya ka dhigay magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay inay xubnaha la xiray ay kamid yihiin in badan oo kamid ah hooyooyinka ururka haweenka ee magaalada Laascaanood.

HALKAN KA DAAWO VIDEO HAWEENKA

Sidaa horey u sheegnay waxaa isaguna xidhan Suxufi Cabdiraxmaan Keyse Tungub oo ay qafaasheen askarta Somaliland iyadoo maamulkaasi aan wax war ah weli kasoo saarin xarigiisa, balse qaar kamid ah qoyska wariyaha ayaa sheegay in loo xiray warbixin uu dhawaan ka sameeyey dareenka shacabka Laascaanood, warbixintaasi oo ay shacabka intooda badan ku taageereen maamulka Puntland ayaa la sheegay inay ka careysiisay maamulka Somaliland.

 

Magaalada Laascaanood ayaa la keenay ciidamo cusub oo Booliis ah oo intooda badan laga keenay magaalada Burco ee gobalka Togdheer si loogu xoojiyo hawlgalada ay Ciidamada Somaliland ka wadaan Laascaanood.

Xadhiga shacabkan iyo suxufigan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii la sheegay in xabsiga magaalada Laascaanood laga siidaayey tiro Maxaabiis ah oo halkaasi ku xidhnaa.

Qaar kamid ah waxgaradka magaalada Laascaanood ayaa walaac ka muujiyey maxaabiista lagu siidaayey magaalada oo qaar kamid ah loo heystay dilal, taasi oo laga cabsi qabo inay sidoo kale keento xiisad horleh.

Xubnaha ka socda maamulka Somaliland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax ayaa magaalada ka wada olole ay doonayaan in shacabka uga dhaadhiciyaan taageerada maamulka ay ka tirsan yihiin ee Somaliland, walow uu isla gudigaasi uu amaro adag dul dhigay shacabka oo ay kamid yihiin inaysan wax shir ah qaban karin shacabka iyo in aan wax mudaharaad ah la dhigi karin.

Baashe iyo xubnaha kale ee ka tirsan xukuumada maamulka Somaliland ayaa shalay hadiyado uu ku deeqay ganacsade ku sugan Hargeysa u qeybiyey dhalinyarada Sportiga iyagoo sheegay inay magaalada ka bilaabi doonaan ciyaaro loogu talo bisha Ramadaanka iyo Nabada.

Maamulka Somaliland ayaa culeys saaray magaalada Laascaanood kadib markii ay todobaadkii hore magaalada shir jaraa’iid ku qabteen qaar kamid ah nabadoonada ugu waaweyn ee deegaankaasi oo ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan gobalka Sool. Warsaxaafadeedkaasi oo keenay inay Somaliland mamnuucdo shirarka iyo waliba hawlaha saxaafada madaxa-banaan.

 

SOMALI NEWS

To Top