WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo Go’aan ka gaaray khilaafka Arrinta Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu danbeyn go’aansaday in Guddiga doorashada ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), si siman loogu qeybiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Xildhibaano qeyb ka ah wadahadalada socday ayaa horufadhi Media u xaqiijiyay in guddiga doorashada ee 12-ka xubnood ahaa min 6 ay u kala qaadanayaan Cabdi Xaashi iyo Guuleed.

Saddexda xubnood ee soo hartay oo ah Guddiga xalinta khilaafaadka ee ka harsan 15-kii xubnood ayaa waxaa soo magacaabaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Goordhow ayaa la filayaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho oo Maanta lagu saxiixayo heshiis doorashada dhaceysa dib loogu wada laabto, si Munaasabada socodsiinteeda hore loogu dhaqaaqo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ah mas’uulka ugu sareeya ee dowladda ugu jira siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, waxaana muuqata haatan in laga gudbay caqabadii ugu weynd ee maalmahan  hortaagneyd shirarkii doorashooyinka.

SOMALI NEWS

To Top