WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Musharaxiinta oo Cabdi Xaashi ku qanciyay ka qeyb galka xeritaanka Shirka

Waxaa goordhaw kulan xasaasi ah Magaalada Muqdisho ku yeeshay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Aqalka sare ay wehliyaan qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somalliland.

Kulan saacado badan qaatay oo dhaxmaray labada dhinac ayaa looga wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan arinta gobolada Waqooyi xili maanta lagu wado in Muqdisho lagu soo xiro shirkii Wadatashiga arimaha doorashooyinka.

Musharaxiinta ayaa ku guuleestay in Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi aqbalaan qodobada kasoo baxay shirka Wadatashiga sidoo kale ka qeyb galaan munaasabada ka socota teendhada Afisiyooni.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Hogaanka Midowga musharaxiinta iyo gudoomiyaha Aqalka sare ayaana la filayaa in ay si wadajir ah u tagaan teendhada Afisiyooni ay ka socoto munaasabada lagu soo xirayo shirka Wadatashiga Arimaha doorashooyinka.

SOMALI NEWS

To Top