WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne maamul Goboleed oo hal Arrin ka balan qaaday Haweenka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ururada Haweenka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Kulanka oo qeyb ka aheyd Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuumaddda Federaalka Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa looga hadlay qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee doorashasa dalka.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa haweenka Soomaaliyeed u balan qaaday inuu ilaalin doono qoondada Haweenka 30%, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan doorashooyinka dalka ka dhacay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada oo ku sugan Magaalada Muqdiaho ayaa kulamo kala duwan la qaatay Ururada Haweenka, waxaana ay dhammaantood Haweenka ay u sheegeen inay ilaalin doonaan qoondada Haweenka, iyagoona Arrintaas balan qaaday.

SOMALI NEWS

To Top