WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Doorashada dalka

Shirkii Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayay Doorashada dalka ka dhaceysa oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda ka qeyb gashay Shirka ayaa dood adeg ka yeeshay qodobo uu ka taagnaa khilaaf xoogan oo hareeyay qabsoomida doorashada dalka, iyagoona ugu dambeyn heshiis rasmi ah oo la wada sugayay gaaray.

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 si ay u meel mariyaan qodobada farsamo ee soo jeedinta.

HALKAAN KA DAAWO WAR-MURTIYEEDKA

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top