WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-In ka badan 40 kun oo Arday oo u fariisaneysa Imtixaanka Dowladda

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada dalka si rasmi ah uga bilaabanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Caabi Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in 42 kun oo ardey oo dhameeysatay Dugsiga sare ay u fariisanayaan Imtixaanka shahaadiga.

Agaasimaha ayaa ardayda ugu baaqay inay si kalsooni leh ku galaan Imtixaanka, isagoo u rajeeyey inay guuleystaan, waxaana Imtixaanka shahaadiga lagu galayaa Xarumo Waxbarasho oo la diyaariyay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u sugaya goobaha Arday ay ku galayaan Imtixaanka shahaadiga, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan loo diidayaa inay hormaraan goobahaas.

SOMALI NEWS

To Top