WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (HM)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee dhanka koofureed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid culus oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo halka uu ka dhacay ay ku taal koontarool ciidanka amniga leeyihiin.

Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa ku yaala dhanka wadada aada degmada Afgooye, halkaasoo ah wado muhiim ah oo inta badan ay maraan gawaarida aada gobolada koofur galbeed.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo qaraxa kaddib la maqlay rasaas culus.

 

SOMALI NEWS

To Top