WARARKA SOOMAALI

Maamulka Soomaliland oo ka hor yimid mashruucii Eng Yariisow ee Muqdisho iyo Berbera-Akhriso

Hargeysa (HM) – Maamulka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskii 31-kii bishii hore dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray duqii hore ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta maamulkaasi Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan saxiixi karin heshiis ama mashruuc laga fulinayo deegaanadeeda.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka si toos ah iyaga loogala xaajoodo, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc loo soo mariyey meelo kale.

Waxa kale oo ay Somaliland ku goodisay in mashruuca Midowga Yurub uusan ka fuli doonin magaalada xeebta ku taalla ee Bebera.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maaĺin ka hor xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis la xariira dhismaha waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Halkan hoose ka akhriso.

SOMALI NEWS

To Top