WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Gaalkacyo.

Galkacayo (HM)-Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Koofurta Gaalkacyo, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftii halige ah.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa la sheegayaa in bartilmaameedkisa ahaa Hotel ku yaalla Koofurta Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in hotelka uu deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/xamiid iyo Taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ahaa, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada dadka wax ku noqday.

Xaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoo la maqlayo rasaas ka dhaceysa agagaarka Hotelka, xaaladuna waa mid jahwareer ah.

WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

SOMALI NEWS

To Top