WARARKA SOOMAALI

Daawo:-ujeedka Safarka Cumar Cabdirashiid uu kusoo gaadhay Garoowe xili xiisad jirto-Video

Garoowe (HM)-Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna senatar katirsan aqalka sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa Cumar Cabdirashiid kusoo dhoweeyay magaalada Garowe, waana socdaalkii ugu horeeyay uu ku yimaada Garowe dhowr sano kadib.

Cumar Cabdirashiid oo lagu tiriyo inuu kamid yahay siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada 2020/2021, ayaa sheegay safarkiisa inuu ku saabsan yahay sidii uu Puntland ugala tashan lahaa sharciga doorashada Soomaaliya ee hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Runtii waxaan u imid Puntland oo ah dhulkii la iga doortay, inaan kala tashado wixii ay ku darsan lahaayeen sharciga doorashada ee haatan ay gacanta ku hayaan aqalka hoose.

Sharciga cusub ee doorashada oo aan weli la meel marin ayaa soo jeedinaya labo hab doorasho oo ku cusub Soomaaliya, inkastoo meelo badan ay ka siman yihiin doorashooyinkii hore.

Madaxweynaha Puntland siciid Cabdulaahi Deni, ayaa dhawaan sheegay Puntland in aysan qeyb ka ahayn sharciyadaas  ay ka qeyb galidoonaan nidaam aan dowlad goboleedyada laga talo galin.

SOMALI NEWS

To Top