WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo maanta xidhay wadada isku xidha Garoowe & Boosaaso.

Boosaaso  ( HM) Waxaa maanta is taagay Isku socodka Gaadiidka ee magaalooyinka Bosaso iyo Garowe, Kadib markii maanta barqadii Ciidamogadoodsan ay jidgooyo dhigteen duleedka  degmada Carmo  ee Gobolka Barri.

Ciidanka Jidgooyada dhigtay ayaa la  sheegay in yihiin Ciidamadii dhawaan Xooga kusoo galay magaalada Bosaaso ee uu hogaaminayey Ciise Yulux ilaa hada lama oga ujeeda rasmiga ah jidgooyada sababtay waxaana goobta ku Xaniban gaadiid badan oo waday dad shacab ah oo safar ah.

Ciidamadan oo dhowaan Galay gudaha Boosaso ayaa looga soo saaray Wadahadal, waxaana suura gal inaan waxba ka fulin Balanqaadkii loo sameeyay, Taasina ay keentay inay markale gadood sameeyaan.

SOMALI NEWS

To Top