WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo wafdi sida gargaar u soo dirtay Magaalada Muqdisho.

Hargeysa (HM) – Waxaa daqiiqado ka hor garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ka soo ambabaxay wafdi ka socda maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland, kuwaas oo ku soo jeeda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Deeqdan oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah, taas oo ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

Gargaarkaan ayaa qeyb ka noqonayo kaalmo gudaha oo horay dadka Soomaaliyeed uga soo urooriyeey meelo badan, si dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan loogu caawiyo.

Tallaabadan ayaa muujineysa, sida ay dadka Soomaaliyeed isugu gurman karaa marka ay yimaadaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, halkii wax laga sugii lahaa wadamo shisheeye ama hay’ado leh dano gaar ah oo wax ku soo qaata magaca Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii ay uga qeyb qaadatay gurmadkii loo fidiyey dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaarihii horay ugu dhuftay koonfurta Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top