WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Muqdisho Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta oo la magacaabay,Magacyadda..

Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa la magacaabay, kaddib shir degdeg ah oo ay goor dhow yeesheen Golaha Wasiirada.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, halka Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye kuxigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska.

Sidoo kale Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waxaa uu ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle

Magacaabidan ayaa aheyd mid aan la fileyn, marka loo eego shaqsiyaadka xilalka loo magacaabay, waxaa horay suuqa ugu jiray shaqsiyaad dhowr ahaa oo aad loogu badinayay xilalka, balse aakhirkii dambe meesha ka baxay.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa soo dhamaaday, iyadoo saxaafada looga warbixiyay magacaabida Taliyeyaasha iyo waxyaabihii kulanka looga hadlay oo saacado badan qaatay.

SOMALI NEWS

To Top