WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Turkiga oo booqasho ku imaanaya Magaalada Muqdisho iyo ujeedka Socdaalkiisa..

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayaa booqasho labo maalmood qaadaneysa ku kala bixinaya dalalka Sudan iyo Soomaaliya, sida ay shaacisay Warbaahinta Daily Sabah ee laga leeyahay Turkiga.

Hakan Çavuşoğlu ayaa lugta u horeysa ee safarkiisa ku tagaya dalka Sudan maalinta Talaadada, waxaa uu booqan doonaa Jaziirada Suakin, si uu u qiimeeyo mashruuca lagu dayactirayo xarunta dhaqanka iyo dalxiiska ee jaziiradaas oo ay dhisi doonto Hey’adda TIKA.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa sidoo kale booqasho ku imaan doona magaalada Muqdisho, waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa uu booqan doonaa Saldhigga Milateri ee Turkiga ku tababaro Ciidamada Soomaaliya, waxaana uu kula kulmi doonaa Saraakiisha Turkiga ee saldhiggaas ku sugan.

Turkiga ayaa tababaraya ciidamo cusub, kuwaasoo qeybtooda u horeysay tababarka loo soo gaba gabeeyay, waxaana la filayaa inay ka qeyb qaataan howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

SOMALI NEWS

To Top