WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Madaxweynaha Puntland oo isaga baxay kalfadhiga xubnaha Baarlamaanka kadib Su,aalo adag oo lagu boobay,Faahfaahin.

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland oo khudbadii furitaanka u jeediyey kalfadhiga baarlamaanka ayaa khudbadii joojiyey isla markaana isaga baxay xarunta, wuxuuna ka baxay markii ay ku bilowdeen su`aalo  adag oo ku wajahan arrimaha Xukuuamddiisu ay qabatay.

Deni ayaan ka jawaabin su`aal uu weydiiyey mudane katirsan baarlamaanka Puntland, wuxuuna ka baxay hoolka baarlamaanka, iyadoo si caro leh uga jawaabay Madaxweynuhu.

Tanni waa mid kamid ah arrimaha waa weyn ee sida weyn isha loogu hayay, waxaana ka bixidiisa kalfadhiga muuqda khilaaf xoog leh.

Wixii kasoo kordha isha ku hay HM

SOMALI NEWS

To Top