WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Farooole oo sheegay in Puntland aqoonsatay Axmed Madoobe & weerarka Seeraar iyo Xidig-Video

Garoowe (HM)-Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee maamul gobaleedka Puntland isla markaana xildhibaan ka tirsan xubnaha aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga oo goordhow khubad ka jeedinaya furtitaanka Kalfadhiga baarlamaanka Puntland wuxuu nuux nuuxsaday xaaladaha ka taagan dalka, isagoona Baarlamaanka Puntland ugu baaqay in ay si hufan u bartaan shuruucda iyo nidaamka Baarlamaanka dalka si looga taakuleeyo waxyaabo badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faroole ayaa khudbadiisa kaga hadlay arimaha Jubbaland iyo doorashadii ka dhacay Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe isla markaasna ay aqoonsi buuxa siiyeen madaxdii ka qayb gashay caleema saarkiisa halka uu tilmaamay siyaasiyiinta kala ah C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig rag laga dhex hadlayo oo aan xataa ka tagin goobtii doorashadu ka dhacaysay isla markaasna ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka.

Waxa uu sheegay in xili walba ay Puntlannd taageerayso Jubbaland marar kala duwana xooga uu saaray madaxweyne Denni in uu si hoose u dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya hasa yeeshee arintaasi aysan suurta galin.

Khudbada Faroole oo ah mid dheer ayaa xildhibaanku kaga hadlayaa arimo badan oo ay kamid yihiin amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo arimo kale ee daawade halkan hoose ka daawo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top