WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khudbadaha Siciid Deni & Faroole oo abuuray in Deni Su,aalo adag lagu garaaco kadibna ka baxo.

Garoowe  ( HM ) Waxaa magaalada Garoowe maanta ka Furmay Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland. Waxaa Furay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Madashan waxaa  goobjoog ka ahaa Gudoonka baarlamaanka, Xildhibaanada, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo Puntland , Waxgarad iyo masuuliyiin kale oo lagu casuumay Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole Madaxwaynihii Hore ee Puntland kana mid ah Aqalka Sare ee DFS ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Khusaysa Xaalada Puntland iyo dalka  ka jeediyey Munaasibadan.

“Kuwa meelahaas ka leh Wasiirada Anaa keensaday ,xildhibaanada anaa keensaday dad badan baa ka cabanaya dadkii maalintii dhawayd magaalada gubay kuwaas iyo wax la mid ah ayey ka cadhaysnaayeen hadaan dowladnimada laga qabana Geedkaygii Timirka ahaa baan u fariisanayaa magaladana waan ka saarayaa”.

“Culumada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta midka siyaasada soo qaata lkn idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheikh baan ahay ima harowsan kartaan” Ayuu yidhi Faroole oo ka hadlay  Furitaanka kalfadhiga 45aad ee Barlamaanka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Deni Siciid DENI ayaa ka hadlay Waxyaabaha u Qabsomay Xukuumadiisa, Wuxuuna sidoo kale xusay Arimaha Federaalka iyo Khilaafka kala dhexeeya Dawladda dhexe.

HALKAN KA DAAWO

“Puntland waxay ka qaybt aahay Dawladda Soomaaliya, oo ku dhisan Nidaam Federaal ah, Ayna muhiim tahay inay is Kor joogteeyaan Labadaas Heer, Hadaba Marka la garowsado in Wadankeenu ku Jiro dhib u dhis,  waxaa lama huraan ah in aan laga biqin in la doodo ama arrimaha qeybtood lagu kala aragti duwanaado. ” Ayuu yidhi Siciid DENI.

Kalfadhigan ayaa kusoo aadaya iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay ay Jirteen Warar sheegaya in Mooshin laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka Dhooba-daareed, Taasi oo ay gadhwadeen ka tahay Madaxtooyaddu sida ay sheegeen Xildhibaano kasoo horjeestay.

FG: Khudbada furitaanka kaddib ee Madaxweynaha Puntland ka jeediyay fadhiga ayaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo lagu magacaabo Cawil waxaa uu su’aal adag weydiiyay Madaxweynaha Puntland oo ku saabsan arrimaha ka jira Puntland, khilaafka isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka, iyadoo Madaxweyne Saciid Deni si kulul oo cadho ka muuqatay uga jawaabay, kadibna fadhiga ka baxay.

 

SOMALI NEWS

To Top