Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland oo khudbadii furitaanka u jeediyey kalfadhiga baarlamaanka ayaa khudbadii joojiyey isla markaana isaga baxay xarunta, wuxuuna ka baxay markii ay ku bilowdeen su`aalo adag oo ku wajahan arrimaha Xukuuamddiisu ay qabatay.
Deni ayaan ka jawaabin su`aal uu weydiiyey mudane katirsan baarlamaanka Puntland, wuxuuna ka baxay hoolka baarlamaanka, iyadoo si caro leh uga jawaabay Madaxweynuhu.
Tanni waa mid kamid ah arrimaha waa weyn ee sida weyn isha loogu hayay, waxaana ka bixidiisa kalfadhiga muuqda khilaaf xoog leh.
Wixii kasoo kordha isha ku hay HM