WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Fahad Yaasiin oo soo gaaray Magaalada Muqdisho + MAAMUUL

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waaberigii hore ee saaka oo talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Diyaarad gaar ah ayaa Fahad Yaasiin kasoo qaaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, taasi oo saaka kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa jimcihii lasoo dhaafay diyaarad uu socday lagu xayiray dalka Jabuuti, kadibna lagu celiyay Istanbul oo markii hore uu ka yimid.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeeysay inay ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil la socday, ayna ka xun yihiin talaabadaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top