WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Farmaajo iyo RW Rooble oo waan-waan cusub laga dhex bilaabay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/rxamaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa dib u bilaabay dadaalo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiye Mursal, Madaxweyne Qoorqoor iyo xubno Wasiiro ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, iyagoona kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka xooggan ee kala dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa markii ay kasoo dhammaadeen  Farmaajo, kadib kulan kale la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, waxaana siweyn looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac oo salka ku heysa awoodaha sharciga iyo kiiska Ikraan Fahliil.

Ilo wareedyo ku dhow Wasiirada qeybta ka ah waan waanta ayaa sheegaya in howsha dhex dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Madaxweynaha dowladda Federaalka SOomaalia iyo Ra’iisul Wasaaraha dhinac ay tahay mid bilow ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top