WARARKA SOOMAALI

MW Farmaajo oo ka hadlay la wareegida DFS Hay’addaha FSNAU iyo SWALIM

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guud taariikhi ah ku tilmaamay in dowladda Federaalka ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegto masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyey dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM), sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.

“Madaxweynaha wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada.

Heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

SOMALI NEWS

To Top