WARARKA SOOMAALI

Deg deg: Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka xildhibaanada Galmudug ee xil ka Xayuubinta Xaaf.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed iyo amni ee ka jirta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

War saxaafadeedka goor dhow ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay cambaareyneyso tallaabada lagu xayiray dhaq dhaqaaqyada Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu baaqay in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo, si ay u gutaan waajibaakooda.

Dowladda Federaalka waxay ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii Baarlamaanka Galmudug uu gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26 September, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Halkan ka akhriso warqada ka soo baxday War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay baahisay Warbaahinta dowladda:-

SOMALI NEWS

To Top