WARARKA SOOMAALI

Allaah ha u naxariistee C/Raxmaan Maxamed Talyanlle oo ku geeriyooday Hindia.

Alle ha Naxariistee waxaa dalka Hindiya ku Geeriyooday Xildhibaan C/raxman Maxamed Talyanle oo kamid ahaa Baarlamaanka Maamulka Somaliland, Kana soo Jeeday Gobolka Sool.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in Xaalad Caafimaad loo geeyay dalkaasi, Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay uu Xanuunsayey, Halkaasina uu Xaqqu ugu yimid.

Xildhibaan Talyanle ayaa waxaa siwayn loogu Xasuustaa Doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Hargeisa, Isagoo u Tartamay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Kaasi oo markii dambe la sheegay inuu Helay Baashe Maxamed Faarax.

Alle samir iyo Iimaan Haka siiyo Dhamaan Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay ( Inaalilaahi, wa Inaa Ileyhi Raajicuun).

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top