WARARKA SOOMAALI

Barlamaanka Galmudug oo si rasmi ah xilkii uga qaaday Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow degmada Cadaado kaga dhawaaqay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada oo ku shiray mid ka mid ah Hotelada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada oo aanay wehlin Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen.

Axmed Yuusuf Ciyow oo si KMG ah ay ugu doorteen Guddoomiye ayaa ku dhawaaqay natiijada cod, waxaa uu sheegay in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen inay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Xaaf, halka labo ay diiday, hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Goor sii horeysay Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay mooshin ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo xabsi guri ku ah Madaxtooyada Cadaado.

Warar kale oo naga soo gaaraya Cadaado ayaa iyana sheegaya in Xildhibaano ku shirsan Madaxtooyada ay iyana qorsheynayaan inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Arrintan ayaa waxay cirka sii gelineysa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Maamulka Galmudug, waxaana la ogeyn xaalada ka jirta Galmudug, halka ay ku biyo shuban doonto.

Tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, isla markaana ka soo horjeestay go’aanka dowladda Federaalka dhex dhexaadka uga qaadatay xiisada Khaliijka, ayaa waxaa isa soo taraya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda sare ee Maamulka Galmudug oo ku kala qeybsamay arrintaas.

Xigasho jOWHAR

SOMALI NEWS

To Top