WARARKA SOOMAALI

DAAWO WARAYSI:Xildhibaan Sakariye oo ka hadlaya Sababta Baarlaamaanku Mooshinka uga keeneen Imaaraadka Carabta-Video

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka danbeysay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay gudbiyaan Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Mooshinka Imaaraadka uu ahaa in mar hore la gudbiyo, balse ay aad uga raageen, Waxuu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, balse uu isaga aaminsan yahay in Imaaraadka uu u dhaqmo si ka awood badan dowladaha kale isla markaana is laheysiiyay Somalia.

Wuxuu  cadeeyay in falal ay u arkeen in ay yihiin qalad uu ku dhaqmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu intaa raaciyay in aysan ka warqabin in Dowladdiisa ay ogtahay iyo in kale, ayna doonayaan in wax la wanaajiyo, lana xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal, maadaama arrimo badan ay wadaagaan.

Xildhibaan Zakariye  ayaa sheegay in Mooshinka uu ku qoran yahay eedeymo badan oo ay u jeedinayaan Imaaraadka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin in Ciidamo ay iska qoroto iyo in shacabka ay si toos ah ula xiriirto IWM.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha la xiriira Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, kadib go’aankii dhexdhexaadnimada Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

SOMALI NEWS

To Top