WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal xooggan iyo rasaas culus oo laga maqlayo xeraddii imaaraadku ka baxay dhawaan ee Muqdisho..

Iska hor imaad xooggan ayaa ka socda Dugsiga Tababarka ee Jen. Gordon ee degmada Hodan, halkaasoo aheyd xaruntii ay Imaaraadka Carabta ciidamada ku tababareen.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu salka ku haayo baabuur dagaal oo la doonayo in xerada lagala baxo, iyadoo ciidankii xeradaas ku sugnaa ay diidan yihiin.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa la sheegay inay xerada tageen, iyagoo doonayay inay kala soo baxaan gaadiid, hase ahaatee laga hor istaagay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Xerada oo maalmo ka jor ay la wareegeen Taliska Ciidanka xoogga dalka, waxaana ciidankii uu horay u tababaray Imaaraadka loo bixiyay magaca Guutada Daljir.

Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah uga guuray xerada, iyagoo uga tagay gaadiid dagaal, kuwa xamuulka, booyado, ambalaasyo iyo agabyo kale oo loogu tala galay ciidankii horay u tababaray.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

SOMALI NEWS

To Top