suugaan

Dardaaran: Waa gabaygii afraad ee maansooyinkii ( tol coloobay)

Dardaaran

Waa gabaygii afraad ee maansooyinkii ( tol coloobay)

Dadkan aan la hadlayaa, had iyo jeer waxay ka cawdaan dad kale oo dhib ku haya.  Laakiin waxay tahay in dhibaatada dhexdooda taal ay sababtay.  Haddii dhibkaasi jirina aan dhibaataba jirteen. 

  Gabaygii dardaarana waa kane si fiican u fahma.

Nin cimriyey cuntadu wa u kal, carrabka qooyaaye

Cayil kama sugaayo iyo inuu. caalyo bixiyaaye

Waa dardaaran weedhuu cabiro, aan cayaar geline

Anna caajis baan ahay duqnimo, da’ iyo caalwaaye

Cadceed gaadhay baan ahay, cicilow casar gadaalkiise

Ciirka socodkayga iyo , caga ka daalkayga

Araggaa carceerada indhaha, caadku iga fuulay

Dhegahaa cafuufmaye cakiran , maqal culaskayga

Ciradaa camimay guudka iyo, madax caddaantayda

Waa digniin carshiga iiga timid, caadil soo diraye

Ruuxdaba ciyoon buu lategi, malag caraw shaaye

Camal suuban baa igu haboon, caabudaad qudhahe

Hayeeshee adduunyadan cifriid, calan wadhlaynaayo

Oo dawlad loo cararo jirin, ciidan ku ilaasha

Oo meel la ciirsado lahayn, cabasho loo jeedsho

Caamiyo ha joogeen kuweer, aan caqli lahayne

Haddii culimo diin sheegataa, dhiiga ku cillaantay       casar weerar joogta ah haddii caado laga yeeshay

Oo caasimadi reer naga mulkiyey, cidhifki aan niilley

Oo nabadi ceel dheer ku riday, caga juglayntooda                                             oo cayda ay nagu hayaan, caalamku ogaaday

Haddaan ciba ay noo tudhayn, cidhib tir mooyaane

Casiirada dhow nibigaa la faray, sii callimintoode

Aniguna ciyaalkayga iyo, kii cid ila sheegta

Inta aan carada laygu rogin, waa xaq caadiyahe

In kastoo codkaygaba qalbiga, ka ceshadaan duulku    

carin iyo canaan waan ku adi, aan cargaagtamo e

canlabeeb ma fiicniyo inaad, laba codlaysaaye

tolkay ceebta naanta ah arag, curaddadoodiiye

rag cadaab ka dooraa la yidhi, ciil hadduu qaboe

kolaan ciidan gaaliyo axmaar, ciidda wada keeno

ama aaan cirrooliyo caruur, wada colaad qaadno

sow inaan cadaawaha na dila, cudud tusnaa maaha

sow inaan cayaartay wadaan, la camiraa maaha

innagaa cilmiga Ebbahay, camal falkii daynin

sow inuu ciqaab adag mutoo, caga dhigtaa maaha

cunsur kalana waa erey caqligu, u cudur daaraayo

walaalkaa ku caasiyey adoo, caawimo u baahan

amuu cuudka kuu hurin adoo, caydh la macaluushan

ama uu col kaa daafacayn nacab ku soo caydhshey

hadduu weliba cay kuugu daro, calanka kii hastey

cidla’ sow inaad uga dudaa, kuu cuntami mayso

cayn kalana waa qaar dalkii, calaf ku soo iibshey

raggan ciidan soo wadanayee, cadawga noo keena

cad quudheed kuwaa qaata iyo calaqyo loo tuuro

kuma ciirsan caaqibo tollimo,oo cashiiro ahe

uma curanin calan dowladnimo, laysku caashaqaye

waxay calaliyaan baa ku daray,lagu calalaaye

cadho Eebbe iyo waw diyaar, ceeb adduunka ahe

M.  Hiirad

SOMALI NEWS

To Top