fikradaha

Abdi Weli Gaas Miyuu dadka Soomaaliyeed Dhabar jabiyey Wakhtigan adag?{ Faallo}.

Bilowgii qalalaasihii Khaliijka waxa soo baxay judhiiba cadaadis xoogan oo la saaray dawladda Soomaaliya oo markaas wax ka yar 6 bilood doornayd. Soomaalidu markaas ka horoow aad uguma baraarugsaneen dhibaatada qotoda dheer ee Carabtu ku doonayso inaysan soo noqon dawladnimo Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay qaadatay go’aankii caanka ahaa ee Dhexdhexaadnimada iyo inaysan dhinac la jirin kolka ay timaado go’aan qaadasho ku saabsanayd inay xidhiidhka u gooyaan dawladda yar ee qaniga ah ee Qaddar , taasoo dhacda gacanka Pershianka ee Khaliijka . Subaxnimadii bishii June 5 teedii sanadkii 2017 maalinimo isniin ah salaad subax ka dib ayaa go’aan aan la fileyn wuxuu ku soo baxay wakaalada wararka ee dalka Sucuudiga ee SPA la dhaho taasoo shaacisay in Sucuudigu uu ka xidhay Qadar , Dhulka, Cirka, Badda iyo noockastoo wada shaqayn ahaydba.

 

Daqiiqado ka dib waxa ku soo biiray dalalka Iskutaga Imaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn, waxa jirey dalal kale oo taageeray go’aankaas kuwaasoo qaarkoodna ay khafiifiyiin Ergadii diblumaasiyadeed ee dalalkooda ka jooga Qadar iyo kuwa siyaabo kale u caadadi Qadar.

 

Balse dalalka miisaanka Tiro, Tayo iyo Siyaasadeed ku leh Caalamka Islaamku arintaas way ka biyo diideen, waxaana xusid ka mudan dalalka Paskitan, Indunuusiya, Malaysia,Bangladesh, Nigeria, Morooko, Al jeeriya, Eeraan, Tunisa, Lubnaan iyo kuwa kale, Halka Turkeyguna uuba Ciidamo u direy dalkaas badbaadiya, taageero Cir iyo Dhulba ahna u hurey Qadar.

 

Sikastab ha noqotee intii wakhtigaas ka dnabeysay Imaaraadku wuxuu weerar baahsan oo dhanka siyaasadda ah ku qaaday dawladii Cusbayd ee Farmaajo iyo Khayre, waxayna abaabuleen maamul goboleeda Soomaalida oo ay shirar u qabteen ayadoo Somaliland ay ugu horeenba sheegtay inay xidhiidhkii u jartay Qadar, walow uusan jirinba xidhiidh noocaasi ah, waxa ku biiray maamulada kale ee Koofurta iyo Bartamaha dalka ka jira.

 

Arintaas shacabka Soomaaliyeed ayaa diidey si weyn uga hor yimid, waxayna qasabtay in ay dib u fur furmaan maamuladii, xaaladu waxay ka sii dartay kolkii shirkadda DP World ay heshiis la gashay Somaliland iyo Ethiopia laguna qaybsaday dekedda Berbera, sikastaba ha noqotee Caydho ka timid shacabka ayaa gaadhay golaha shacabka oo si sharci ah dalka uga mamnuucay DP World.

Imaaraadku wuxuu cadeeyey cadaawadiisa, wuxuuna Malaayiin Dollar oo loo fahmay mid lagu burburinayey dawladda oo markaas la Dalaadhacaysay Mooshin ka dhan ahaa gudoonkii golaha shacabka ay u direen Xamar, waxaanataasi dedejisay in xidhiidhka labada dal oo isu bedelo dagaal diblumaasiyadeed.

 

Soo hooriyoo, Abdiweli Gaas ayaa hada noqday shakhsiga keliya ee SOomaaliyeed ayadoo xaalada colaadeed ee labada dal marayso ilaa heerkii u sareeyey isagu u gurguurtay Imaraad, waa laga yabaa in Abdiweli ka quustay COd Soomaaliyeed ama magac uuna doortay inuu dhaqaalo aruursado, balse waxaa hubaal ah in masuuliyad Soomaaliyeed oo danbe uusan ka dhexhelin doonin dad Ehel u ah Wadaniyad Soomaalinimo iyo Jinsiyadda magaca umadda Soomaalida ah.

 

Abdiweli Gaas wuxuu noqday ama sameeyey ficil khiyaano wadanimo oo iska cad, wuxuu iska dhego maray Cadhadda shacabka Soomaaliyeed, wuxuu diidey Qabka ay Soomaalidu muujisay 30 sano ka dib, wuxuu doortay shilimaan iyo Laaluush uu doorashada maamulkiisa ku wajaho sanadka dane, wuxuu hareermaray oo Khiyaameeyey umaddiisii xili adag oo sharafta Soomaaliyeed Daawaha saaran tahay.

 

Ugu danbeyntii Diiwaanka Taariikhda ayaa xusi doonaa maalmaha madoow ee mudane Gaas dookhiisa noqday iyo in uu joogo Alle kara inuu siiyo soona cesho Awoodii Soomaaliyeed kolkale, maxkamadna ay mutaystaan xubnaha Gaas ka mid yahay ee Go’aamada dawladda iyo rabitaanka shacabka baal maray.

 

HALKAN KA DAAWO HADAL QIIRALEH OO CULUMADA SOOMAALIYEED KA DHEHEEN CARAB IYO IMARAAD SIDEEY INOO GALEEN….

Horifadhi Media

SOMALI NEWS

To Top